Booliska Soomaaliya oo maanta xusaya sanadguuradiisa 75aad

Booliska Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay xusayaan Sanadguurada 75aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay sanadkii 1943dii.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan ay Ciidamada Booliska si wanaasgan ugu dabaaldegi doonaan maalinta Booliska.

Booliska Soomaaliya ayaa laga soo kala xuli jiray, dhamaan Gobollada Dalka islamarkaana Dowladdii Kacaanka uu Milatariga xoog yeeshay.

Sarreeye Guuto Abshir Xaashi ayaa sheegay in Booliska lagu billaabat 3,500 oo Askari,ismalarkaana dugsiyada ku kala yaalleen Mandheera,Beledweyne iyo Muqdisho.

La taliyaha amniga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka ah ee hadda jirta ay leedahay 5,000 oo Askari oo Boolis ah,kuwaas oo diiwaangeshan islamarkaana mushaarkooda si joogto ah u hela.

Mustaqbal media

Read Previous

Denmark oo sheegtay in 1,000 qof oo Somaali ah lagu celinayo dalkooda

Read Next

C/Casis Lafta gareen oo kulamo la qaatay saraakiisha Amaanka Baydhaba