MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Booliska Dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah Burcadda dhacda Dukaamada Soomaalida ee dalkaasi ku yaalla.
Afhayeen u hadlay Booliska Dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in degaanka Vosloorus, ay ku xir xireen koox burcad koofur Afrikaan ah oo dhacay Ganacsato Soomaali ah.
Afhayeenka Boolska degaankaas Kay Makhubela, ayaa sheegay in ay jiraan warar badan oo been abuur ah oo lagu qoray barta Twitterka.
Waxaa uu beeniyay in dad Soomaali ah ay ku dhinteen intii uu socday Boobka loo geystay dukaamada Soomaalida ee degaanka uu ku suganyahay.
Dadka ayuu uga digay in ay sii wadaan wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha Bulsada gaar ahaanna Twitterka.
Rabshadihii ugu dabeeyay ee todobaadkii la soo dhaafay waxaa ku dhintay labo wiil oo Soomaali ah,waxaana dhimashadooda ay tirada Soomaalida ah ee sanadkan 2019 lagu dilay Koofur Afrika gaarsiisay 12 qof.
