Al-Bashiir oo xaalad deg deg ah geliyay Suudaan

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa kala diray xukuumaddiisii waxaana uu dalka geliyay xaalad deg deg ah.

Khudbad uu ka jeediyay Telefishinka Qaranka dalkiisa ayuu kaga dhawaaqay xaaladda deg degga ah, in la kala diray dowladda Federaalka iyo sidoo kale guddoomiyayaashii Gobollada.

Waxaa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u magacaabay saraakiil ka mid ah kuwa Ciidanka dalkaasi ee isaga taageersan.

Baarlamaanka Dalkiisa ayuu ka codsaday in ay dib u dhigaan fadhi ay ku doonayeen in isbedel lau sameeyo Dastuurka, kaas oo Al-Bashiir u ogolaanaya in uu mar kale tartamo.

Banaanbaxyo isaga ka dhan ah kana dhashay cuntada oo sare u kacday ayaa sanadkii labaad ka socda dalka Suudaan.

Mustaqbal media

Read Previous

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sudan oo Muqdisho u yimid Munaasabadda Aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Read Next

Booliska Koofur Afrika oo xiray Burcad dhacday dukaamada Somalida