Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Haweeney la sheegay in ay dishay Seygeeda

Booliiska Gobolka Banaadir ayaa howlgal uu ka sameeyay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho waxa uu kusoo qabtay Faadumo Maxamed Cismaan oo ku eedeysay in ay dishay Ninkeeda/Seygeeda sida hadalka loo dhigay.

Laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa Degmada Dayniile oo la gaarsiiyay xogta dilka Marxuumka ayaa sameeyay howlgal lagu baadigoobayo haweeneydaan oo ugu dambayn u suuragashay in lasoo qabto.

Qoraal lasoo dhigay barta Xiriirka Bulshada ee Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Faadumo Maxamed Cismaan Maxkamad lasoo taagi doonno si loogu qaado ciqaabta ficilka ay samayaysya.

Dhacdooyinka la xiriira in ay nafta is dhaafiyaan Dadka isku dhaxa ayaa muddooyinkii dambe ka dhacay qaybo kala duwan oo Dalka ah, waxaana xabsiyada ku xiran dad qaarkood ku eedeysan in ay kiisaskaas galeen.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maraykanka oo doonaya qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya Ruushka & Ukraine  

Read Next

Suuragal ma tahay in Booliiska Kenya uu wax ka baddelo dhirirka lagu kala xulayo Askarta cusub ee la qaadanayo?