Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Cabasho xooggan ayaa ka timid nidaamka dhirirka lagu kala xulayo askarta loo qabayo in ay ku biiraan Booliiska Kenya maadaama shuruuddaas ay sababtay in dhallinyaro badan ay ku waayaan kamid noqoshada ciidankaas.
Qofka Ragga ah ee ciidanka Booliiska Kenya ku biiraya waxaa laga doonayaa in uu dhirirkiisu dhan yahay 5 Feet iyo 8 Inch halka Haweenka laga doonayo in ay noqdaan 5 feet & 3 Inch, haddii qofku ka yaraado looma ogolaanayo ku biirista ciidanka.
Dhallinyaro badan oo buuxin waayay shuruuddaas ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin qodobkaan isla markaana Dowladda Kenya ay ka doonayaan in ay dib u eegto kana fududeyso shuruuddaan oo caqabad ku ah.
Gudaha Hay’adaha Amniga Kenya waxaa dhirirka Askariga loo arkaa mid faa’iido badan u leh shaqada, waxaa arrintaas darteed loo qori waayay dhallinyaro badan oo aqoonyahanno ah kuwaas oo isugu jira Rag iyo Dumar.
Idris Kiprop oo kamid ah Ragga caqabaddaan kahor istaagtay damicii uu ka lahaa ku biirista Ciidanka Kenya ayaa sheegay in uu niyad jabay, waxa uu xusay in Dowladda looga baahan yahay dib u eegis maadaama ay jiraan Dad wax soo kordhin karaa oo shuruudda dhirirka ku haray.
Dhowaan dhallinyaro Soomaali ku jirto ayaa ku dhacay Imtixaanka jirka ah ee loo maro ku biirista ciidamada Kenya kaddib markii la sheegay in ay leeyihiin Balwad sidaas awgeed aanay ka gudbi Karin qodob kamid ah qodobada la hordhigay.
Mustaqbal
