Booliiska DG Puntland oo qabtay Rag hubaysan oo Doon watay.

Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay Rag hubaysan oo gaaraya ilaa saddex qof iyo doon nooca kalluumaysiga oo ay wateen waxaana u saarnaa hub & walxa kale oo sharooto lagu dahaaray balse aysan faah-faahin.

Sawirro laga soo qaaday doonta, hubka saarnaa & Ragga lasoo qabtay waxa ay saraakiisha ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland sheegeen in Raggaas ay sameeyeen falal jebinaya awaamiir horay ay usoo saareen.

Howlgalkaan ayaa si gaar ah uga dhacay Raas Casayr waxaana saraakiisha Ciidamada Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland ay tilmaaameen in ay baaritaanno dheeraad ah ku samaynayaan Raggaan si loo ogaado ujeedkooda.

Taliyaha Qaybta Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland u qaabilsan Raas Casayr Gaashaanle Sare Fu’aad Maxamuud Garab-yare oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ciidamado ay hayeen xogta doontaan isla markaana gacanta kusoo dhigeen.

La soco wixii soo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Maraykanka oo awood gelinaya sidii xabbad-joojin looga dhaqangelin lahaa Magaalada Gaza.

Read Next

DG Galmudug oo $30,000 ku abaalmarisay Xulka metalay Dowlad-Goboleedkaas ee Koobka ku guulaystay