DG Galmudug oo $30,000 ku abaalmarisay Xulka metalay Dowlad-Goboleedkaas ee Koobka ku guulaystay

Madaxda Sare ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa xaflad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb waxa ay ku abaalmariyeen Ciyaartoyda, Macalinka, kaaliyeyaashii la shaqeeyay & dhammaan xubnihii qaybta ka ahaa xulka metalayay Dowlad-Goboleedkaas ee ku guulaystay koobka Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2023 ee Muqdisho ka dhacay.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo dhinacyadiisa ay taagan yihiin ku xigeenkiisa & Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayuu ku wareejiyay jeegga lacagta abaalmarinta xulka metalay Dowlad-Goboleedkaas ee gacanta ku dhigay koobkii ay tartanka adag u galeen.

May be an image of 7 people and text that says 'WE ARE THE CHAMPION MJ WE re'

Axmed Qoor-Qoor ayaa ciyaartoyda, Macallinka iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa in Ciyaartoyda Metalaysa Dowlad-Goboleedka Galmudug waxa uu ku bogaadiyay kaalintii firfircooneed oo ay isu dhiirrageliyeen taasi oo ugu dambayn u fududeysay in ay koobka ay ka dejiyaan Magaalada Dhuusamareeb.

May be an image of 5 people, people playing soccer and text

Xulka Dowlad-Goboleedka Galmudug oo ku guulaystay koobka Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sanadka 2023 waxa ay ciyaartii ugu dambaysay gool ku laad uga qaadayn dhiggooda Hir-Shabeelle waxaana ay sidaas kusoo galeen Dowlad-Goboleedyada ku guulaystay Koobaan.

May be an image of one or more people, crowd, dais and text

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Booliiska DG Puntland oo qabtay Rag hubaysan oo Doon watay.

Read Next

Itoobiya oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay shidaal ka yimid Soomaaliya