Boko Haram oo dishay 30 ka mid ah Askarta Nigeria

Ugu yaraan 30 Askari ayaa ku dhimatay halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen kaddib markii Ururka Boko Haram ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamasa dowladda Nigeria ku lahaayeen Gobolka Borno.

Ciidanka Boko Haram oo boqolaal gaarayay kuna socday Gaadiidka Dagaalka ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhigga Ciidamada dowladda ee degaanka Zari.

Milatariga Nigeria ayaa looga awood roonaaday dagaalka,waxaana sidoo kale ay halkaas ka qaateen hub iyo saanaddii Milatariga u taallay goobta.

Sarkaal ka tirsan Milatariga Nigeria ayaa isaguna sheegay in khasaraha Ciidamada dowladda gaaray mid la mid ah ay gaarsiiyeen Ciidamada Boko Haram ee saldhiggooda weeraray.

Mustaqbal media

Read Previous

It’s time Kenya and Somalia became one unit

Read Next

Plight Of The GSU: All Armoured Personel Carriers Destroyed By Al-shabab’s IEDs