Barcelona oo ku fikireysa iney laso wareegto goolhaye Simon Mignolet.

Naadiga Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka fikireyso inay dalab u dirto goolhayaha Liverpool Simon Mignolet.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore ku qaatay naadiga kursiga keydka  waxaana imaanshiyaha Alisson ka yimid Roma ay keentay in goolhayaha uu hoos u dhigo mustaqbalkiisa Liverpool.

Besiktas ayaa si aad ah loola xiriirinayay 30 jirkaan, laakiin sida laga soo xigtay Sky Sports News, Barcelona ayaa xiiseyneysa inay heshiis la gaarto.

Marc-Andre ter Stegen iyo Jasper Cillessen ayaa haatan loo arkaa labada goolhaye ee ugu fiican Camp Nou, lakiin mustaqbalka goolhayahaan  ayaa laga yaabaa inuu dhaqaaqo Barca inta uusan xermin suuqa kala iibsiga.

Besiktas ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay 10 milyan oo ginni ku qarashgareyso Mignolet, lakiin waxa ay u badan tahay in Barca ay la soo wareegi doonto haddii uusan Cillessen hishiis cusub u saxiin  kooxdiisa.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Barcelona oo ku dhawaaqday qiimaha ay ku fasaxeyso Paco Alcacer.

Read Next

Laamaha amniga oo sheegay iney qabteen Qof Bam ku tuuray Xarunta Garasbaaleey.