Barcelona oo diiday in ay si rasmi ah Everton uga iibiso Andre Gomes.

Qaab ciyaareedka Gomes ayaa soo jiitay indhaha Tababaraha Everton Marco Silva durba Barcelona ayeey u gudbiyeen in ay ka doonayaan in ay si rasmi ah uga iibsadaan adeega xidigan.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona Abidal ayaa ku gacan seyray dalabka ka yimid Everton oo ku aadan iibka Gomes oo hada amaah ugu ciyaara.

Wakiilo ka socda kooxda Everton ayaa u duulay magaalada Barcelona si ay ula kulmaan wakiilada Barcelona si looga arinsado xaalada Gomes.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Banaanbax ka dhacay Gaalkacyo, Sawirro

Read Next

Booliska Kenya oo Haweeney Soomaali ah ku dilay Mandheera