Bannaanbax ka dhan ah Ciidanka Itoobiya oo maanta ka socda magaalada Doolow

Bannaanbax ka dhan ah Ciidanka Itoobiya ayaa maanta ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo, kaasi oo ay dhigeen dadka shacabka ah.

Dadka shacabka ah ayaa ka carreysan hadal dhawaan ka soo yeeray saraakiisha ciidanka Itoobiya oo ku saabsan in Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya gabi ahaan laga saaro magaalada Beledxaawo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, ayaa xaqiijiyay in Itoobiya isku dayayso in ay la dagaalanto ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Beledxaawo.

Waxaan u sheegayna bulshada in Saraakiil Itoobiyaan ah saddex cisho u qabteen ciidanka dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan in ay uga baxaan Baladxaawo, taasina socon meyso waan u dhimaneyna” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullahi Shimbir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Itoobiya aysan xaq u laheyn in hadal nuucaasi ka soo yeero, xilli ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Xaaladda gobolka Gedo ayaan weli daganeyn, iyadoo ciidanka dowladda Federaalka ay dhawaan la wareegeen magaalada Beledxaawo oo hore ay gacanta ugu hayeen Maamulka Jubbaland.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Taliyihii hore ee Ciidanka Cirka Maraykanka oo loo magacaabay in uu hoggaamiyo Howlgalka AFRICOM

Read Next

Saraakiisha Ciidanka Itoobiya iyo Mas’uuliyiinta Jubbaland oo kulamo ka yeeshay Xaaladda gobolka Gedo