Wararka ka imaanaya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan bannaanbaxyo ay dhigayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladaasi.
Dadka rayidka ah ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Ciidanka Itoobiya oo sheegeen in ay weerar ku yihiin Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, dadka ayaa ku baaqaya in ciidanka Itoobiya joojiyaan dhaqdhaaqyada ay ka wadaan gobolka Gedo, isla markaasna ay ku laabtaan dalkooda.
Magaalada Beledxaawo ayaa waxaa dhawaan la wareegay ciidanka dowladda Federaalka, ka dib markii laga saarey askar taageersana dowlad goboleedka Jubbaland.
Carada shacabka ayaa ku soo aadeysa xilli saacadihii la soo dhaafay ciidanka Itoobiya la sheegay in ay saddex maalmood u qabteen in ay Beledxaawo uga baxaan ciidanka Soomaaliya.
Tillaabadaasi ayaa waxaa ay sababtay caro dadweyne, waxaana sidaan oo kale bannaanbax ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Mustaqbal
