Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Dowladda Soomaaliya ayaa billaawday fulinta xukunnada dilka ah oo muddo hakad ku jiray, iyadoo maanta fagaare ku yaalla Iskuul Booliisiya lagu toogtay rag hore loo xukumay.
Qoraal ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in dil toogasho ah lagu fuliyay saddex xubnood oo hore uga tirsanaa AS, isla markaasna ku eedeysan in ay dilal ka geysteen Gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose.
“Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) ayaa lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, raggaan ayaa hore uga tirsanaa AS, iyagoo dilal ka geystay Caasimadda iyo gobolka Shabeellada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa hakad galay fulinta xukunnada dilka ahaa, iyada oo Guddoonka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay codsanayeen in la helo goob lagu toogto dadka lagu helay dambiyada.
Hadalka ayaa waxaa sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Liibaan Cali Yarow, isaga oo dhul ka codsaday inuu siiyo Duqa Muqdisho, Dr Xasan Mungaab.
Xabsiyada dalka ayaa waxaa ku xiran xubno ka tirsan AS oo maxkamadaha ku xukumeen dilal toogasho ah.
Mustaqbal
