MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Bajaajle ku dilay Buundada Ansalooti ee Degmada Waabari.
Dilka kaddib ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay gacanta ku dhigeen Askariga dilka geystay kaas oo lagu xiray Saldhigga Booliska Degmada Waaberi ee Muqdisho.
Tiro Bajaajlayaal ah ayaa xiray Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho iyaga oo halkaas ka dhigay Banaanbax ay uga soo horjeedeen dilka Bajaajlaha loo geystay.

Ciidamada Booliska ayaa Rasaas ku kala eryay Bajaajlayaashii ku banaanbaxayay Isgoyska Dabka,waxaan wali xiran isgoyskaas.
Meydka Wiilka Bajaajlaha ahaa ayaa waxaa lagu qaaday Gaari kuwa Gurmadka degdegga ah,waxaana la geeyay Laanta Dambi baarista ee C.I.D iyada oo uu xiranyahay Askarigii dilka geystay.
Inta badan Waddooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho ayaawali u xiran Ciidamada Dowladda,waxaana tiro ka mid ah Bajaajlayaasha ay ka dhex shaqeynayaan isgoysyada qaar ee Magaalada.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu Muqdisho ka billowday howlgal cusub oo lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Muqdisho.
