Askar katirsan Ciidamada Dowladda oo lagu dilay Muqdisho.

Askartaan ayaa katirsanaa Ciidamada Minishiibiyada waxaana lagu dilay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Qaybta Khudaarta Degamda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Koox hubeysan oo dishay askarta ayaa isaga baxsatay kahor inta aan goobta gaarin Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgalo ka sameeyay Halka dilka uu ka dhacay.

Ciidamada Dowladda ayaa Dhalinyaro kusoo qab-qabtay Howlgalkooda, waxayna Goobjoogayaal ay sheegayaan in Rasaas ay fureen Ciidamada inta ay kuga jireen Howlgalka.

Ciidanka ayaa Goobta ka qaaday Askartii katirsaneed Dowladda Hoose ee la dilay, iyaga oo u qaaday Xarunta Dambi baarista.

Mustaqbal media

Read Previous

Xiddiga Tottenham Son Heung-min oo ka badbaaday in uu 2-sano ka mid noqdo Militariga dalkiisa!

Read Next

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ku kulmay Beijing.