Xiddiga Tottenham Son Heung-min oo ka badbaaday in uu 2-sano ka mid noqdo Militariga dalkiisa!

Ciyaaryahanka  Kooxda Tottenham iyo xulka qaranka South Korea ee Son Heung-min ayaa ka badbaaday in uu galo laba sano oo ah tababarka militariga dalka South Korea kadib markii uu xulka qarankiisa kula guulaystay tartanka 2018 Asian Games kuwaas oo ay finalkii tartanka ka qaadeen xulka qaranka Japan.

Son Heung-min ayaa xulka qarankiisa ku hogaamiyay bilada dahabka ah si uu u hubiyo in aan looga yeedhin u adeegista ciidanka Militariga ee dalkiisa South Korea.

South Korea qof waliba oo u dhashay dalkaas ayaa ku qasban in uu maro 2 sano oo adeega Militariga ah ka hor inta uuna gaadhin da,da 28 jirka iyada oo halka wado ee ay ciyaartoyada ciyaaraha kala duwan ciyaara uga badbaadiyaan in ay wax kula guulaystaan dalkooda.

Kadib kulan xiiso lahaa oo finalka ah xiddigaha Lee Seung-Woo & Hwang Hee-Chan ayaa laba gool u dhaliyay xulka South Korea oo uu kabtan u ahaa xiddiga Son.
Xiddigan weerarka uga ciyaara kooxd Tottenham oo heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa heshiis uu ilaa 2023 kula sii joogo doono ayuu farxad u yahay in uu ka badbaaday u adeega militariga dalkiisa.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

“Waa aamini waayey in waxa bahalku Kadul cararay ee bacda kujiraa ay Cunug yar yihiin”!

Read Next

Askar katirsan Ciidamada Dowladda oo lagu dilay Muqdisho.