Al-shabab oo sheegatay in Askar ka mid ah dowladda ku dishay duleedka Jaziira

War ka soo baxay Xarakada Al-shabab ayaa lagu sheegay in maanta ay ciidan ka tirsan AL-shabab weerar ku qaadeen Askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo maray duleedka degaanka Jaziira.

Al-shabab ayaa sheegatay in weerarkaas ay ku dileen shan ka mid ah Ciidamada dowladda halkaas oo ay sheegeen in meydkooda looga tagay.

Sheegashada Al-shabab waxaa ay ku soo aadeysaa iyada oo Taliyaha Milatariga Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi Idha-qarshe uu maanta booqasho ku tagay degaanka Geed Timir oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/10/

Taliyaha ayaa booqday xero cusub oo ay ciidanka ka sameysteen degaankaas,waxaana uu kulan kula qaatay saraakiisha hoggaamineysa.

Waxa uu dhawaan sidoo kale booqday degaannada Ciidamad Dowladda ay kala wareegeen AL-shabab ee isku xir Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose iyo Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa meelo ka mid Gobollada Hiiraan,Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose ka billowday howlgallo ka dhan ah AL-shabab,waxaan Al-shabab dhinacooda ay sameynayaan weerarro u badan jid gal.

Mustaqbal media

Read Previous

Wasiir Cawad oo warqadaha danjiranimo ka guddoomay safiirka Faransiiska.

Read Next

Julen Lopetegui muxuu ka yiri xaalada xun oo ay kooxdiisa ku jirto.