Julen Lopetegui muxuu ka yiri xaalada xun oo ay kooxdiisa ku jirto.

Kooxda tababare Lopetegui aya shalay markale la kulmay guuldaro xanuun badan iyago oo wax guul ah gaarin kulamadii ugu dambeeyay.

Julen Lopetegui iyo kooxdiisa ayaa soo bandhigay xilli ciyaareedkii ugu xumaa intii uu Florentino Perez madaxweynaha u ahaa kooxda kadib markii ay guuldaro kala kulantay Alaves.

Lopetehui oo ka hadlay guuldaradii shalay ayaa yiri”

“Sida iska cad waan niyad jabsanahay sababta oo ah waxa aan doonaynay in aan guul gaadhno waxana aan ku bilaabanay si fiican, anaga oo abuurnay fursado fiican.

“Laakiin xaqiiqada ayaa ah in aanan wax gool ah dhalin waana nalagu ciqaabay arintaas”.

“Waxa ay ahayd ciqaab adag,laakiin waxa ay ka faa,iidaysteen fursadoodii”.

“Ma Noqon karno qaar wax xun sawirta waa in aanu noqono qaar dagan sababta oo ah waan oganahay in aan ku jirno wakhti adag”.

“Dad kale ayaa qaata go,aanka laakiin marnaba ma fiicna in la badalo tababaraha waxa ay noqon doontaa mid waali ah ayuu hadalkiisa kuso koobay tababaraha Real Madrid.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Al-shabab oo sheegatay in Askar ka mid ah dowladda ku dishay duleedka Jaziira

Read Next

Lorenzo Insigne oo looga gacan haatiyay horyaalka La Liga.