Soomaaliya iyo Yemen oo ku dhawaaqay in ay xoojinayaan xiriirka diblumaasiyadeed

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Difaaca Yemen, Lt. Gen. Mohsen Al-Daeri, xilli ay sii kordhayaan wararka sheegaya in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta dalka Yemen ay xiriir la leeyihiin AS iyo Daacish oo ka dagaallama gudaha Soomaaliya.

Gen. Mohsen Al-Daeri ayaa ugu hambalyeeyay Wasiir Fiqi magacaabistiisa cusub, isagoo sheegay in khibradda Fiqi ay wax weyn ku kordhin karto dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab iyo Daacish.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay isbahaysiga ay hoggaamiso dowladda Sacuudiga ee la dagaallanka kooxda Xuutiyiinta. Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiintu ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxaha hubeysan ee ka dagaallama Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen saanad milatari oo ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), kuwaas oo la rumeysan yahay in Xuutiyiintu ay u gudbinayeen kooxaha hubeysan ee gudaha Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa horey dhowr jeer u sheegtay in xiriir dhow uu ka dhexeeyo Xuutiyiinta iyo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, taasoo khatar weyn ku ah xasilloonida iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Beesha Caalamka oo qaar kamid ah D/goboleedyada ku cadaadinaya in ay yimaadan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Read Next

Howlgalka soo saarista Shidaalka Soomaaliya oo maraya meel gabogabo ah