Howlgalka soo saarista Shidaalka Soomaaliya oo maraya meel gabogabo ah

Waxaa meel dhammaad ah mareysa sahmintii Turkigu ka waday biyaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Dowladda Turkiga.

Sida xog rasmi ah lagu helay, Turkigu wuxuu sahmin ku sameeyay saddex ceel oo ku yaalla biyaha Soomaaliya, labo kamid ahna baaritaankooda waa la soo afjaray, halka ceelkii saddexaad uu haatan si buuxda uga socdo badda Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in howsha ceelkaas saddexaad la dhameystiro bisha sideedaad ee sanadkan.

Warbixinaha horudhaca ah ayaa muujinaya in illaa 90% sahminta la sameeyay ay tilmaamayso jiritaanka gaas ganacsi ahaan faa’iido leh oo ku jira ceelasha.

Waxaa suurtagal ah in halkii ceel laga helo illaa 10 bilyan oo fuusto oo gaas dabiici ah, taas oo Soomaaliya gelin karta liiska dalalka ugu qanisan khayraadka dabiiciga ah ee qaaradda Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, nooca gaaska lama xaqiijin karo ilaa laga gaaro natiijada rasmiga ah iyo soo bandhigida qiimeynta sheybaar ee xogta 3D.

Mustaqbal

 

MM News

Read Previous

Soomaaliya iyo Yemen oo ku dhawaaqay in ay xoojinayaan xiriirka diblumaasiyadeed

Read Next

Maxaa diirada lagu saaraya Shirka Golaha Wadashiga ee maanta furmaya?