Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Maalinta beri ah oo ku beegan 5ta May 2025 ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaran, xilli ay jiraan khilaafyo xooggan oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka iyo nooca doorashooyinka dalka laga qabanayo.
Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa la filayaa in aysan ka soo qayb galin shirka berri ka furmaya caasimadda, iyadoo arrintaasi ay sii murjin karto is-afgaradkii laga filayay shirkan.
Dhinaca kale, markii ugu horraysay ayaa lagu wadaa in shirkan uu ka soo qayb galo Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo muujinaysa in maamulkaas la aqoonsanayo doorkiisa siyaasadeed ee heer qaran.
Beesha caalamka ayaa wadda dadaallo xooggan oo lagu doonayo in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafaadka taagan iyo qaabka doorashooyinka loo wajahayo. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maalmihii u dambeeyay booqashooyin ku tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Boosaaso, halkaas oo uu kula kulmay madaxda maamulada si uu uga dhageysto aragtiyadooda ku aaddan amniga iyo doorashooyinka.
Dhanka kale, magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socota isdiiwaangelinta doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, taas oo guddiga doorashooyinka qaranka uu sheegay in la soo gabagabeyn doono dhammaadka bisha Juun 2025.
Si kastaba ha ahaatee, xubnaha mucaaradka ayaa ka soo horjeeda qabashada doorasho qof iyo cod ah xilligan, iyagoo ku doodaya in aysan dalka ka dhici karin doorasho noocaas ah xaaladda haatan jirta awgeed. Waxay ku baaqayaan in dowladda ay xoogga saarto howlaha mudnaanta u leh dalka sida la dagaallanka ka dhanka ah AS iyo dib u heshiisiinta bulshada.
Mustaqbal
