Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadlle ayaa xil ka qaadis loogu sameeyay Gudoomiyihii Degmada Baladweyne, iyada oo Gudoomiye Cusub loo Magacaabay.
Maxamed Axmed Ibraahim (Food-Cadde) oo horay usoo noqday Gudoomiyaha Degmada Baladweyne ayaa loo magacaabay Xilkaan.
Wareegtayada ayaa lagu sheegay in Maxamed Cismaan Macalin Qalaafow oo ah Gudoomiyaha Xilka laga qaaday in wixii maanta ka dambeeyo aan Xilkaas heyn.
Xil ka qaadistaan ayaa kusoo beegmeysa xilli Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle ay isbadalo isdaba joog ah ku sameysay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Magaalada Baladweyne.
Shacabka Magaalada Baladweyne ayaa magacaabista iyo xil ka qaadista Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku tilmaamay in lagu cuuryaaminayo Hormarka Gobolka, maadaama Mas’uul waliba oo lasoo magacaabo aan dhaafin 6-Bilood.

