Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ee ku shirsan magaalada Garowe ayaa si kulul u dhaliilay Dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha marti gelinaya ee Gaas,ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaligiis heysato waxyaabaha Caalamka ku bixiyo Magaca Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in uu ka shakisanyahay dhaq dhaqaaqa Eritrea ee Soomaaliya isaga oo shaki geliyay in AL-shabaab lala heshiinayo.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada ay tahay in ay dhistaan Ciidan ay kula dagaallamaan AL-shabaab halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen dowladda Federaalka ah.
Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa Dowladda dhexe ku dhaliilay in saanadda Hubka ee loogu talagalay in lagula dagaallamo AL-shabaab ay dowladda dhexe siyaasadeyneyso.
Shirkan waxaa ka maqan Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan la heshiiyay Dowladda Federaalka ah.
