Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan guulo taariikhi ah ka soo hooyay furimaha dagaalka lagula jira Al-shabaab.
Shirka Golaha ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, iyada oo lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga.
Sidoo kale, arrimaha la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dadaallada ay wadaan guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Dhinaca kale, Golaha ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo qeexaya dib-u habeynta nidaamka shaqo iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda.
Kulankaan ayaa imaanaya xilli ciidanka dowladda ay todobaadkii hore isaga soo baxeen deegaanno muhiim ah, iyada oo saaka dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Mustaqbal
