MW Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga  ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah.

May be an image of 10 people and text

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo  midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Goddoonka labada Aqal ee BFS oo faray dardargelinta dhameystirka dastuurka

Read Next

Dhulgariir ku dhuftay dalka Turkiga