Daafaca naadiga Liverpool iyo xulka Holan Van Djik ayaa la sheegay in uu ciyaari karo kulnaka ugu horeya oo ay kooxdiisa ciyaareyso.
Ronald Koeman oo ah Tababaraha xulka Holan ayaa sheegay in uu Van Dijk taam u noqon doono kulanka sabtida ay ee ay Liverpool la ciyaari doonto Huddersfield ee ka tirsan horyaalka premier League.
Reds ayaa hogaanka horyaalka premier league la haysa kooxaha chelsea iyo Man City kuwaas oo dhamaantood wada leh min 20 dhibcood.
Xiddiga 27 jirka ah ayaa dhamsyatay 90-kii daqiiq ee uu xulkiisu guusha ka gaaray Germany isaga oo waliba dhaliyay goolka furitaanka kulankaas.
Laakiin Ronald Koeman ayaa sheegay in uu xiddigu diyaar u noqon doono in uu u ciyaaro kooxdiisa oo uuna dhaawaciisu ahayn mid ah sidii laga cabsi qabay.
