Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS
Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhaba ka mamnuucay qaar ka mid ah Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxada.
Taliska Booliska Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa sheegay in Gaadiidka kala ah Bajaajta iyo Noohada laga mamnuucay Magaalada Baydhaba.
Waxaa uu sheegay in xog ay heleen hay’adaha amaanka ay muujineyso in labadaasi nooc loo adeegsanayo qaraxyo ku wajahan Magaalada.
Magaalada Baydhaba waxaa ka socda olole doorasho taas oo la filayo in ay dhawaan ka dhacdo magaalada.
Hay’adaha amaaanka ee Koofur Galbeed ayaa ku howllan xaqiijinta amniga Magaalada iyada oo qaraxyo 13kii Bishan ka dhacay Magaalada ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof.
