Al-shabab oo xalay weerartay Jowhar

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in magaaladaasi ay xalay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ilo ku sugan Magaalada Jowhar ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in mid ka mid ah askarta Maamulka Hirshabeelle lagu dilay Koontaroolka laga galo Jowhar mid kalena lagu dhaawacay intii uu dagaalku socday.

Goobjooge ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dagaalkuba uu ka billowday Koontaroolka dhinaca Balcad ee laga galo Magaalada halkaas oo uu ku dhowyahay Guriga Madaxtooyada ee MaamulkanHirshabeelle.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamada Maamulka Hirshabeelle ay iska caabiyeen ciidamadii ka torsanaa Al-shabaab ee xalay ka dagaallamay gudaha Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha, ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ay degganyihiin hal waddo oo Magaalada ka gasha dhinaca Koofureed ugana baxda waqooyiga,waxaana Koontaroolka hore uu wax ka yar 100 Mitir u jiraa Madaxtooyada Hirshabeelle.

Waa markii ugu horreysay oo muddo dheer kaddib ay AL-shabaab weerar dagaal toos ah ka fuliyaan gudaha Magaalada.

Mustaqbal media

Read Previous

Gaadiidka qaar oo qaraxyo dartood looga mamnuucay Baydhaba

Read Next

170 irregular migrants held across Turkey