MW Axmed Madoobe oo Kismaayo kula kulmay qaar kamid ah Xildhibaannada DG Jubbaland ku metala Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Magaalada Kismaayo kula kulmay Xildhibaannada labada aqal ee Dowlad-Goboleedkaas ku metala Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

May be an image of 2 people and dais

Axmed Madoobe oo kulan wadatashi ah isugu yeeray Xildhibaannada & Senatarrada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku metala Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in kulankaan uu yahay mid wadatashi ah.

May be an image of 3 people, dais and text

Qaar kamid ah Xildhibaannada oo aqbalay soo jeedinta Axmed Madoobe ayaa tagay Magaalada Kismaayo inkasta oo ay jiraan Xubno kale oo ilaa haatan aanay gaarin xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, lama oga in ay dib ka tagayaan iyo in guud ahaan diidan yihiin.

May be an image of 6 people

Axmed Madoobe ayaa horraantii bishii 7dii Oktoobar isaga baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka kaddib markii labo daraf ay kala istaageen isaga & xubnaha qaar ee Golahaas oo ay isku qabteen daadejinta Doorasho qof iyo cod ah.

May be an image of 4 people and lighting

Madaxweyne Axmed ayaa billaabay in uu kulamo gaar gaar ah la qaatay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ku metala Dowladda Federaalka, todobaadkii tagay waxa uu qaabilay wafdi ka yimid Nairobi si ay u dhax dhexaadiyaan Madaxweynaha DG Jubbaland & Dowladda Federaalka.

May be an image of 5 people, dais and text

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

DFS, QM, Midowga Afrika & Dalalka qaybta ka ah howlgalka AUSSOM oo kawada hadlaya qorshaha howlgalkaas

Read Next

Wasiirka Gaashaandhigga XFS “Itoobiya oo kusoo xadgudubtay Qarannimadeenna & Midnimadeenna waxa ay ka hartay howlgalka AUSSOM”