Taliyaha NISA oo iscasilay.

Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya ee (NISA), ayaa iska casilay xilkaasi oo loo magacaabay, markii xilka qaadis lagu sameeyay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Taliye Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa maanta u gudbiyay warqada Iscasilaadiisa Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), lama sheegin inuu Madaxweynaha ka aqalay Istaqaalada iyo inkale.

Agaasimaha Guud ee Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Somaliyed (NISA), Xuseen Cismaan Xuseen ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 13/10/2018″ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Qoraalka kooban ee ku qornaa afka Somaliga ee la soo dhigay Twitterka NISA, laguma sheegin sababta rasmiga ah ee ka dnabeysay iscasilaada Taliye Xuseen Cismaan Xuseen, waxeyna warka ku soo koobaan “Sababo asaga u gaar ah darteed ayuu isu casilay”.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Taliyihii NISA uu isu casilay doorashada Baydhabo ka dhaceysa bisha danbe oo uu doonayo inuu kamid noqdo Musharixiinta tartameysa.

Xuseen Cismaan Xuseen, waxaa la filayaa in Todobaadka danbe uu ka dago Baydhabo, halkaas oo uu kaga dhawaaqayao Musharaxnimadiisa.

Si Kastaba, Kusimaha Taliyaha NISA ee xiligan waa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, maadaama NISA ay leedahay oo kaliya halk Taliye Kuxigeen.

Mustaqbal media

Read Previous

2 Qarax oo lagu weerarary magaalada Baydhabo.

Read Next

WAREYSI: Koofur Galbeed oo ka hadashay tirada dhimashada Qaraxyadii Baydhabo.