WAREYSI: Koofur Galbeed oo ka hadashay tirada dhimashada Qaraxyadii Baydhabo.

Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxa qaraxyo xoogan oo gelinkii danbe ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Baydhabo, waxey marti galineysaa doorasho Madaxweyne oo dhaceysa 17-ka Bisha danbe, waxaana u taagan ku dhowaad 10 Musharax oo ay ku jiraan; Shariif Xasan, Rooboow, Farageeti iyo Xuseen Cismaan.

Saraakiil katirsan Koofur Glabeed, waxey Mustaqbal u sheegeen in qaraxyada mid kamid ah lagu weeraray Hoteelka Bilan, halka qaraxa labaadna lagu galay maqaaxida Al-Badri, labadan goob waxey ku yaalaam bartamaha Baydhabo.

Laba nin oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, ayaa la sheegay iney isqarxiyeen iyagoo lugeynayay, waxaana ka dhashay Khasaare xoogan.

Afhayeenka Koofur Galbeed Nuuradiin Gacma, ayaa Mustaqbal u sheegay in dhimashada ay mareyso 14 Qof, waloow ay suura gal tahay iney intaasi kabadato.

Halkan ka dhageyso Codka Afhayeenka Koofur Galbeed:

Mustaqbal media

Read Previous

Taliyaha NISA oo iscasilay.

Read Next

Dowladda Federaalka oo gargaar deg-deg ah u fidinaysa dhaawacyada culus ee qaraxyada Baydhabo.