Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan goordhow ay ka dhaceen Bartamaha magaalada.
Dadka ku sugan Baydhabo, ayaa ku soo waramaya in la maqlay Jugta laba Qarax xoogan oo looga maqlay guud ahaan Xaafadaha ay ka koobantahay Baydhabo, Qaraxyada waxaa lala eegtay goobo ay dadka aad ugu badanyihiin.
Qaraxyada oo mataano ahaa, Mid kamid ah waxaa lagu weeraray Hoteel lagu magacaabo Hotel Bilan, Hoteelka waxaa dagan Siyaasiyiin, Waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan inuu leeyahay Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliya Farageeti oo kamid ah musharixiinta Koofur Galbeed.
Qaraxa labaad, waxaa lala eegtay Maqaaxida Al-Badar oo ah meel ay dadka aad ugu badanyihiin, lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada.
Qaraxyada mataanaha ah kadib, waxaa la maqlay rasaas xoogan, waloow dadka deegaanka ay soo sheegayaan iney ahaayeen kuwo ay ridayeen Ciidamada amaanka Baydhabo.
Wararkii ka soo kordha, halkan ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.
