Daafaca Real Madrid Dani Carvajal ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka ciyaaro Premier League ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan.
Carvajal waxa uu kaso baxay da’yarta Real Madrid, waxaana uu 200 kulan u saftay Real Madrid tartamada oo dhan.
26 jirkaan ayaa sidoo kale ah daafaca dambeedka midig ee Spain, waxaana uu ku guuleystay afar horyaal oo Champions League ah, hal horyaal La Liga ah iyo hal Copa del Rey waayihiisa Bernabeu.
Carvajal waxa uu qandaraas kula jiraa Madrid dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka wuxuuna sheegay inuu doonayo in uu ka ciyaaro horyaalka Ingriska xili uu wareysi bixiyay isagoo arintaa ka hadlayana waxaa uu yiri”
“Xidig walbo oo jecel in meel wanaagsan ka gaaro kubada cagta waxaa uu jecelyahay inuu ka ciyaaro horyaalka Ingriska Anigana waxaan jeclahay mar uun inaan ka ciyaaro horyaalkaas inta aanan ka fariisan ciyaaraha ayuu yiri Carvajal.
