Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa doorasho ka dhacday Magaalada Garoowe 7-dii bishaan ku guuleystay 49-cod oo kamid ahaa Codadkii ay dhiibteen 51-ka Ergo ee Wax dooraneysay.
Fadhiga 4-aad kulanka 13-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu dhaariyay Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo sidaas ku buuxinaya Kursigii uu baneeyay Xildhibaan Hore Dhahar Cali Faarax.
Xildhibaan Jamaal ayaa ku biiraya Xildhibaanada Golaha Shacaka ee Xilalka ka haya Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo qaarkood fadhiga ay ku sugan yihiin.
Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan oo qabtay doorashada lagu buuxinayay Kursigaan ayaa Xildhibaanka Guddoonsiiyay Shahaadada Aqoonsiga si Golaha Shacabka ula tago si loo siiyo Aqoonsiga looguna diiwaan geliyo Liiska Mudanayaasha.
