Tottenham oo xidigo muhiim u ah waayi doonta kulanka Barcelona.

Kooxda Tottenham ayaa cwa heli doonin adeegyada xidigo muhiim u ah kooxda kulanka adag ay cwa la ciyaari doonaan Barcelona.

Tottenham ayaa cwa  garoonka Wembley ku marti qaadaysa kooxda Barcelona kulan ka tirsan wareega guruubyada ee Champions League.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa xaqiijisay inay dhaawac ku waynayso xiddigaha kala ah Serge Aurier, Dele Alli, Christian Eriksen, Mousa Dembele iyo Jan Vertonghen.

Goolhaye Hugo Lloris oo ku soo laabtay tababarka Tottenham ayaa la xaqiijiyay inuu ku soo bilaaban doono kulanka Barcelona.

Harry Kane oo ka hadlay dhaawacyadaan ku habsaday kooxdiisa ayaa yiri:

“Marnaba ma ahan wax wanaagsan in asxaabtaadu ay dhaawacmaan, haatan ciyaartoy kale ayaa helaya fursadooda, waxaan haysanaa koox cajiib aha yuu yiri Kane oo hadlayay.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Trump:  “Boqor Salmaan labo todobaad xafiiska ma joogeen Mareykan la’aan”

Read Next

David Luiz oo go’aansaday in uu heshiiska u kor dhiyo kooxdiisa Chelsea.