Trump:  “Boqor Salmaan labo todobaad xafiiska ma joogeen Mareykan la’aan”

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku faanay in jiritaanka mudada dheer ee Boqortooyada Sucuudiga ay ku timid daryeelka iyo ilaalada Mareykanka.

Mr Trump oo loo arko in cilmiga diblomaasiyadda ku yaryahay ayaa goob fagaare ah ka sheegay in uu Boqor Salmaan u sheegay in uusan labo todobaad Xafiiska joogi lahayn haddii uusan Mareynka ilaalineyn Boqortooyada Reer Aala Sucuud.

Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayay gobolka Mississippi, ayaa sheegay in Sucuudiga ay tahay in uu bixiyo beddelka waqtiga iyo dhaqaalaha Mareykanka ka gala ilaalinta boqortooyada.

Sucuudiga waa dalka ugu weyn ee soo saara shidaalka,waxaana uu madax ka yahay Ururka OPEC, Trump oo ka hadlayay OPEC bishii la soo dhaafay ayaa sheegay in ururkaasi waddamada ku jira ay caalamka intiisa kale go’doominayaan.

Trump ayaa dalalka isbaheysiga la ah sida Japan, South Korea iyo Germany ka dalbaday in ay kordhiyaan miisaaniyaddooda gaashaandhigga waxbadanna isku halleyn Mareykanka.

Mustaqbal media

Read Previous

AMISOM, Partners Devise Strategies on Countering Improvised Explosive Devices

Read Next

Tottenham oo xidigo muhiim u ah waayi doonta kulanka Barcelona.