Doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka Galmudug oo maanta billaabatay
Kooxda West ham United ayaa garoonkeeda kusoo dhaweynaysa kooxda Uu hogaaminyo Jose Mourinho ee Man United.
Labada koox ayaa bilow xun ku bilaabay horyaalka waxayna koox kasta doonaysa in ay tan kale dhibka uga siibato.
Wararka Labada Koox:
Weeraryahanka West Ham Marko Arnautovic ayaa la filayaan inuu kasoo kabtao dhaawac dhanka jilibka kasoo uu ku seegay kulanki todobaadki hore.
Laacibka qadka dhexe Carlos Sanchez ayaa tijaabo dheeri ah u baahan doona kadib jugtii kasoo gaartay kulanki ay kooxdiisa 8-0 uga adkaatay kooxda Macclesfield Town ee ka tirsanaa koobka League Cup.
Macallinka Manchester United Jose Mourinho ayaa badal ku samayn doona shax ciyaareedkiisa kadib guuldardii koobka League Cup ee kasoo gaartay kooxda Derby County.
Weeraryahanka United Marcus Rashford ayaa diyaar u ah inuu safto kadib markii uu soo dhamaystay saddax kulan oo ganaax ah , halka Marcos Rojo uu yahay laacibka kaliya ee muddo dheer kooxda ka maqan.
Goolhaye Sergio Romero ayaaku seegaya kulankan ganaax kadib roosihi uu qaatay kulanki Derby waxaana booskiisa geli doona , Lee Grant.
Xaqiiqiiyinka kulanka:
West ham ayaa hal kulan oo qura horyaalka guul ka heshay United19 kulan,waxuuna kulankaas dhacay May 2016, 5 barbaro iyo 13 guuldarro ayaaqaan ku ah.
Kooxda Hummers-ka ayaan gool ka dhalin United saddaxdii kulan ee u dambeeyay
West ham ayaa iska ilaalinaysa in ay guul la’aan ku dhamaysato kulankan taasoo ka dhigan in ay san 4-ta kulan ee u horaysay horyaalka guul aysan gaarin, waxaana dhacdadan oo kale ugu dambaysay 2009.
Sidoo kale waxay iska ilaalinaysaa Rikoor aan wanaagsanayn kaasoo ah in aysan garoonkeeda saddax kulan oo xiriir ah aysan gool ku dhalin kulamada horyaalka.
Kaliya 2 jeer ayayay libin heleeen 7-di kulan ee horyaalka oo uu ka maqnaan weeraryahan Marko Arnautovic 3 barbaro iyo 2 guuldarro.
Arnautovic ayaa ku lug-lahaa kala bar 40- gool oo ay West ham horyaalka ka dhalisay 14 gool ayuu saxiixai halka uu caawiyay 6
Guuldarro ay la kulanto United ayaa ka dhignaan doonta xilli ciyaareedki ugu xumaa oo ay 7 kulan 10 dhibcood kaliya helaan.
Man United ayaa kaliya 4 jeer adkaatay 15 kulan oo ugu dambeeyay ee ay magaalada London ku ciyaartay 3 barbaro iyo 8 guuldarro ayay kala soo hoyatay.
Romelu Lukaku ayaa noqon kara laacibki u horeeyay ee Man United afarta kulan ee u horaysay banaanka goolal kusoo dhaliya.
Lukaku ayaa 11 gool ka dhaliya 11 kulan kulan ee uu West ham wajahay dhammaan tartamada.
Anthony Martial ayaa 6 gool ka dhaliyay West Ham laba goolna ku caawiyay 5 kulan ee u damabysay ee ay kooxdiisa la ciyaarto West Ham.
