Puntland oo sheegtay in ay Hub ka furatay Ciidanka Somaliland,Sawirro

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaal dhexmaray Ciidamada Maamulka Somaliland iyo iyaga ay hub uga furteen.

Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen Ciidanka Somaliland uu ahaa mid ay jidka ugu galeen.

Waxaa ay Saraakiisha Puntland sheegteen in dagaalka uu ka dhacay agagaarka degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

Ciidamada Puntland ayaa ku faanay in Ciidanka Somaliland oo qorsheynayay weerar ka dhan ah kuwa Puntland ay jidka u galeen sidaasna uga furteen Hubkii iyo Rasaastii ay ku dagaal tagayeen.

Somaliland wali kama hadlin sheegashada Maamulka Puntland ee la xiriirta in ay hub ka furteen Ciidamada Somaliland.

Dhinaca kalena ma jirto cid ka madaxbanaan Puntland oo xaqiijisay sheegashada Maamulka Puntland.

http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/09/

http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/09/

http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/09/

http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/09/

Mustaqbal media

Read Previous

AU awards police officers for peace contribution in Somalia

Read Next

HORDHACA: West ham vs Man United+Xaqiiqooyinka kulanka.