HORDHACA: Cheslea vs Liverpool+Safafka Macquulka ah.

Naadiyada Chelsea iyo Liverpool ayaa markale isku arki doono garoonka Stamford Bridge kulan xiiso badan oo ka tirsan Todobaadka7-aad ee horyaalka Ingiriiska.

Wararka labada Koox:

Chelsea ayaa sitaxadar kujira ula socon doonta xaalada Antonio Rudiger, kaasoo dhaawac uu kasoo gaaray kulanki axadi hore ay West ham la yeesheeen.

Pedro iyo Ruben Loftus-Cheek ayaa diyaar noqon kara kadib dhaawacyo horay usoo gaaray , halka uu Andreas Christensen uu kasoo bogsooday xanuun dhanka caloosha ah.

Virgil van Dijk ayaan tababar la qaadan kooxdiisa kadib markii dhaawac kasoo gaaray loo badalay todobaadki hore , basle lama shaacin in uu kulankan seegayo.

Trent Alexander-Arnold iyo Georginio Wijnaldum ayaa kasoo kabtay dhaawacyo ay qabeen.

 Xaqiijooyinka kulanka:

Waa kulanka ugu badan oo ay kooxo kubadda cagta Ingiriiska isaga horyimaadaan qarnigan 21-aad, waxayna Cheslea iyo Liverpool iska hor imaanayaan kulankoodi 58.

Liverpool ayaa adkaatay kaliya 2 kamid ah 15 kulan ee u dambeeyay dhammaan tartamada ay Cheslea kula ciyaartay garoonka Stamfird Bridge ,7 barbaro iyo 6 guuldaro ayay kulamada kale kusoo idlaadeen.

Chelsea ayaa guulaysan kartaafarteeda kulan ee ugu horeeya horyaalka oo ay ku ciyaarto garoonkeeda kadib xilli ciyaareeddki 2014-15 oo uuJose Mourinho hogaaminayay.

12 dhibcood ayey ka heleen 10 kulan oo ay kooxaha waa wayn la dheeleen xilli ciyaareedki hore wax hal gool ka badana ugama dhalin garoonka Stamford Bridge.

Olivier Giroud ayaa 5 gool ka dhaliyay 6-dii kulan ee uu horyaalka kaga horyimid ,waxaana ku jira goolkii guusha ee uu xagaagi hore ka dhaliyay.

Eden Hazard ayaa ku lug yeeshay goolashi ugu badnaa xilli ciyaareedkan, waxuua dhaliyay 6 gooll halka uu caawiye ka ahaa 2 gool.

Liverpool ayaa radinaysa in 7 kulan oo xiriir ah dhanka horyaalka in ay guulgaarto taasoo aysan samayn tan iyo 1990-91.

Chelsea waa kooxda kaliya ee 9 kulan oo xiriir ah horyaalka guul ka gaartay xili ciyareedki 2005-06 ayay taariikhdaas sameysay.

Jürgen Klopp ayaa markale samayn kara guulhii badnaa ee taxane ah 8 kulan taasoo uu horay ula gaaray kooxda Borussia Dortmund laga soo bilaabo December 2011 ilaa March 2012.

Mo Salah 2 gool ayuu Cheslea u dhaliyay 19 kulan uu u saftayxilli ciyaareedki 2014-15, basle7 kulan uu ka horyimid 4 gool ayuu kaliyay isgaoo u safnaa Basel iyo Liverpool.

 Safafka macquulka ah:

 Chelsea :Kepa; Alonso, Luiz, Cahill, Azpilicueta; Kovacic, Jorginho, Kante; Hazard, Giroud, Willian.

Liverpool: Alisson; Robertson, Van Dijk, Gomez, Alexander-Arnold; Milner, Henderson, Wijnaldum; Mane, Firmino, Salah.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

HORDHACA: West ham vs Man United+Xaqiiqooyinka kulanka.

Read Next

HORDHACA: Real Madrid v Atletico Madrid+Safafka Macquulka ah.