Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Meydka Diblomaasi Mareykan ah ayaa laga helay dhisme uu ka degganaa Dalka Madagascar,waxaana ilaa hadda la shaacin cidda dishay.
Heather Nauert, oo ah Afhayeenad u hadashay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Wasaaradda arrimaha dibadda,Hay’adda C.I.A iyo Dowladda Madagascar ay baarayaan sababta dhimashadiisa.
Waxaa ay tacsi u dirtay qoyska uu ka baxay,waxana ay intaas ku dartay in dilkiisa,faahfaahinta magaciisa iyo shaqadiisaba dib laga soo sheegayo.
Meydka Diblomaasiga ayaa la helay Habeenkii Sabtiga ee Jimcaha baxaysay,waxaana baaritaan wadajir ah wada dalalka Mareykanka iyo Madagascar.
