MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Madaxweynaha Sri lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa la ogaaday in uu ku baxsaday Diyaarad Militari kaddib markii uu ku kordhay culeyska uga yimid shacabka ka dalbanaya in uu iska casilo xilka uu u hayo maadaama dhibaato dhaqaale xumo uu waddankaas galay.
Todobaadkaan waxaa Madaxtooyada u galay Tiro Shacab ah oo Madaxweynaha Sri Lanka & Walaalkiis oo siyaasadda la jiheynayay ay ku qasbanaadeen in ay isaga baxaan Aqalkooda iyaga oo tagay goob aan la sheegin.
Diyaarad Nooca Militariga ah ayuu ku baxsaday Madaxweynaha Sri Lanka isaga oo gaaray Magaalada Male ee Caasimadda Maldives sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo la hadlay Warbaahinta gudaha & tan dibadda.
Dabbaaldegyo waa weyn ayaa ka socda qaybo kamid ah Sri Lanka maadaama lasoo afjaray xukunka sanadaha badan ay isku koobayeen halka qoys, waxaa la filayaa in maanta uu soo baxo go’aan la xiriira Mustaqbalka dalkaan dhaca Koofurta Aasiya.
Madaxweynaha Dalkiisa ka baxsaday ee Gotabaya Rajapaksa ayay da’diisu tahay 73 jir, waa Madaxweynihii 8aad ee Sri Lanka soo maray, waxa uu xilka hayaa 18 November 2019 ilaa 13 July 2022 oo ku beegan waqtiga uu dalkiisa ka cararay.
Mustaqbal
