Shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda Qorsheynta oo lagu dilay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda KPP ee Degmada Hodon ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay xubin ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Qofka la dilay oo lagu magacaabayay Cumar Xasan Ganey ayaa ka mid ahaa shaqaalaha muddada joogay Wasaaradda ilaa xilligii Maxamed Siyaad Barre.

Cumar Xasan Ganeey ayaa horay u ahaa Agaasimaha Waaxda Dooxada Jubadda ee Wasaaradda Qorsheynta,waxana uu hadda ka mid ahaa shaqaalaha howlgabka ah ee Wasaaradda sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta.

Koox hubeysan ayaa ku dishay Xaafadda KPP,waxaana uu xilliga la dilayay ka soo baxay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Bangaariyo ee Degmada Hodon,isaga oo u socday shaqada.

Cumar Xasan ayaa da’diisa lagu sheegay 60 ilaa 70 jir,kaas oo ilaa xilligii Dowladdii kacaanka ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Dab ka kacay suuqa Maanabooliyo ee Degmada Shibbis

Read Next

Beledweyne: Qarax lala beegsaday Ciidanka Jabuuti