Dab ka kacay suuqa Maanabooliyo ee Degmada Shibbis

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Maanabooliyo ee Degmada Shibbis ayaa sheegaya in suuqaas uu ka kacay Dab Khasaare Hantiyadeed geystay.

Dabka ayaa ka kacay qeybaha Xalwada,Qaxwada iyo Dharka Huudheyda ah,waxaana uu dabku saameeyay dhowr Dukaan oo suuqa ku yaallay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Dab damiska ay ku howllanyihiin daminta dabka ka kacay Suuqa Maanavooliyo ee Degmada Shibbis.

Ilaa hadda lama sheegin waxa sababay dabka maanta ka kacay suuqa Degmada Shibbis ee Magaalada Muqdisho.

La soco wixii soo kordha

 

Mustaqbal media

Read Previous

Atletico Madrid oo ku raad joogta Hirving Lozano.

Read Next

Shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda Qorsheynta oo lagu dilay Muqdisho