Laacibka dhawaan galka ah ee kooxda Barcelona iyo xulka Chile ee Arthuro Vidal ayaa laso sheegayaa inuu soo gaaray dhaawaca jilibka ah.
Arturo Vidal ayaa la soo sheegayaa inuu isaga baxay xerada tababarka ee xulka Chile kadib dhaawac soo gaaray laacibka.
FoxSport ayaa daaha ka qaaday in Arturo Vidal uu ka baxay tababarka xulkiisa kadib markii uu xanuun ka dareemay jilibkii uu horay uga dhaawacnaa.
Tababaraha jirdhiska ee xulka Chile ayaa ka codsaday Arturo Vidal inuu isaga baxo tababarka isla markaana uu dib ugu laabto qolka jirdhiska.
Xulka qaranka Chile iyo kooxda Barcelona ayaa la filayaa inay si wada jir ah war bixin uga soo saaraan dhaawaca Vidal.
