Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Kenya Fred Matiangi ayaa maanta hortagaya Baarlamaanka dalkaas.
Wasiirka ayaa Xildhibaannad baarlamaanka waxaa ay wax ka weydiinayaan qorshaha ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee Soomaaliya.
Mooshinka Ciidanka Kenya looga saarayo Gudaha Soomaaliya waxaa horay Baarlamaanka dalka Kenya ugu gudbiyay XIldhibaan Cumar Maxamed Mallin oo laga doorto Bariga Mandheera.
Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta Wasiirka arrimaha gudaha ay ugu yeereen Baarlamaanka ay tahay in ay ogaadaan qorshaha Dowladda Kenya ee Ciidanka ku jira gudaha Soomaaliya.
Ciidanka Kenya ayaa soo galay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011kii,markaas oo ay ku soo galeen dagaal ka dhan ah Al-shabaab hayeeshee sanad kaddib ayey ku biireen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ay naftooda halis ugu jirto weerarrada AL-shabaab,sidoo kalena dadka Rayidka ah ee Kenya ay ku dhimanayaan gudaha dalkaas iyada oo ay Al-shabaab weerarayaan.
