Duqa Degmada Boosaaso oo la doortay

Doorasho maanta ka dhacday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland ayaa lagu doortay duqda Degmada Boosaaso.

Xilkan waxaa ku tartamayay Bashiir C/Salaan Bashiir iyo Maxamed Mire,waxaana codeyntii dhacday 28 cod oo ka mid ah helay Duqa cusub oo ah Bashiir C/Salaan Bashiir, Ninka isaga la tartamayay ee Maxamed Mire ayaa helay 3 cod oo kali ah.

Bashiir iyo Golahiisa degaanka ee Magaalada Boosaaso ayaa heysta muddo shan Sano ah oo ay ku shaqeynayaan,inkasta oo mararka qaar ay dhacdo in la kala diro ka hor xilligooda haddii ay gudan waayaan shaqada.

Bashiir waxaa uu hore u ahaa Duqii KMG ahaa ee Magaalada Boosaaso,waxaa uu soo noqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland,waxaa kale oo uu soo noqday Guddoomiyaha Degmada Waaciye.

Mustaqbal media

Read Previous

Boondheere iyo Howl-wadaag oo usoo gudbay wareegga 8-da tartanka degmooyinka.

Read Next

Liverpool oo kuso biirtay loo lanka loogu jiro Adrien Rabiot.