Sidee looga falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa warqad uu soosaaray ku sheegay in uu hortagayo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, ujeedka ayaa ah in uu la wadaago warbixinta saddexda bilood ee waxqabadka Xukuumaddiisa.
Qoraalka ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka oo 3-bil jirsatay waxa ay waxqabadka 100-maalmood kahor jeedineysaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Talaalada 9-ka Febaraayo 2021” .
Rooble ayaa horay u ballanqaaday in uu soo bandhigayo waxqabadka 100-ka Cishe oo Xukuumaddiisa, si loo ogaado waxyaabaha u qabsoomay, guuldarooyinka lala kulmay & caqabadaha sababta u ah.
Inta badan Xukuumadda ayaa Golaha Shacabka BFS la wadaageyso qodobo ay u aragto in ay uga gudbi karto su’aalaha ka dhalan kara waxyaabaha muuqda oo ay ka gaabisay sida ay ku doodayaan qaar kamid ah dadka Xildhibaannada & dadka falanqeeya siyaasadda.
Mustaqbal ayaa ogaatay in Xukuumadda ay la hortageyso Golaha Shacabka arrimaha Doorashooyinka sida Guddiga ay xareysay, furitaanka qaar kamid ah Waddooyinka Caasimadda oo laga qaaday dhagaxaanta, safarka Rooble uu ku tagay Garoonka Ciidanka Cirka Ballidoogle & qodobo kale.
Xukuumadda waxaa horyaalla ka gudubka caqabado dhowr ah si gaar ah sugidda Amniga sida wax ka qabashada qaraxyada u badan Miinooyinka oo maalmihii oo lasoo dhaafay loo dhigay mas’uuliyiin kala duwan, Askarta AMISOM & Guddoomiyaal.
Haddaba, Xukuumadda Federaalka miyay kasoo baxday doorkii looga baahnaa?
Mustaqbal.
