Wasiirka Warfaafinta DG Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay BBC ayaa sheegay in maamulkiisa uu soo dhaweynayo shirka Dhuusamareeb (4) uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay kulan looga xaajoodo xaaladda kala guurka dalka si loo saldhigo muddo xileedka gaba-gabada ah ee Dowladda Federaalka loona abaabulo qabashada Doorashada Dalka.
Cabdi Xuseen Wasiirka Warfaafinta DG Jubbaland ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu diyaar u yahay ka qaybgalka kulankaas, maadaama xal ka gaaris uu yahay caqabadaha hortaagan waa haddii si dhab ah looga hadlo qodobada la isku qabtay.
Dhanka kale waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeyay in muddo uu ka caga-jiidayay isu keenidda saamileyda siyaasadda si la isaga xog wareysto habka ugu fudud ee lagu xalin karo khilaafka dib u dhigay qabsoomidda Doorashooyinka lagu heshiiyay 17-kii September 2020.
Khilaafka ka dhashay Ciidamada Dowladda ee la geeyay Gobolka Gedo waa qayb kamid ah saddexda qodob ee la isku qabtay taas oo loo sababeynayo dib u dhaca doorashooyinka lagu heshiiyay, isla markaana jadwalkeeda la dejiyay 1-dii October 2020.
Axmed Madoobe ayaa markii uu saxiixayay heshiiska Doorashada uusan soo bandhigin ama ku xiran ka qaadista Ciidanka Dowladda Gobolka Gedo, balse markii uu dib ugu laabtay Kismaayo ayuu sheegay in fulinta heshiiska ay ka horeyso in ciidankaas laga soo qaado Gedo si uu doorasho ugu qabto, haddii kale uusan diyaar u ahayn in Kismaayo keliya uu ku qabto.
Mustaqbal.
