Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka labo kale uu dhaawac soo gaaray kaddib markii Gaari ay dadkaas la socdeen ku qarxay waxyaabaha qarxa oo Gaariga ku xirnaa.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in dadka la qarxiyay ay ka tirsanyihiin Ciidamada amaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qof ka mid ah dadka degaanka Warshadda Caanaha ee Degmada Hodon ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dadka la qarxiyay ay wateen Gaari nooca Kaaribta loo yaqaanno ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa tagay goobta,iyaga oo xiray aagga uu qaraxa ka dhacay,waxaana ay hadda halkaas ka wadaan baaritaan.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Loris Karius oo si rasmi ah ugu biiray Besiktas.

Read Next

Casualties as blast heard in Mogadishu