Ivan Rakitic oo ku dhaw inu ku biiro PSG.

Barcelona ayaa qaadatay go’aan culus oo ku aadan in laacibkeeda Ivan Rakitic uu ka tago kooxda suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

10-maalin oo kaliya ayaa haatan ka harsan inuu si rasmi ah u xirmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xaggaagan.

Wargayska Sport ayaa baahiyay in Barcelona aysan awoodin inay sare u qaado mushaarka Rakitic maadaama kooxdu ay dhaqan galinayso barnaamij ay ku xakamaynayso mushaaraadka ka baxa.

PSG ayaa haatan fursad u haysata inay kula wareegto Ivan Rakitic qaab lamid ah qaabkii ay kula wareegtay Neymar xaggaagii hore, waxayna bixinaysaa qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 125 milyan oo euro.

Qandaraaska Ivan Rakitic ee Barcelona ayaa dhacaya xaggaaga 2021.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Angel Di Maria oo aqbalay in uu heshiis cusub u saxiixo PSG.

Read Next

Khayre oo kormeeray Kastamka Canshuuraha Dekeda Muqdisho oo isbadal lagu sameeyay Maamulkeeda.